Arsenal Oo iska diidday fursad ay dib ugu soo ceshan lahayd Cesc Fabregas

Kooxda Arsenal ayaa la soo warinayaa inay ka hortimid go’aankii ay ugu dhaqaaqi lahayd soo xero-gelinta kabtankeedii hore ee Cesc Fabregas, kaasoo la filayo inuu ka dhaqaaqo Barcelona xagaagan.

Warar baahsan ayaa sheegaya in laacibka xulka qaranka Spain suuqa laga heli karo xagaagan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Camp Nou. Kooxaha Manchester United, Chelsea, Manchester City iyo Liverpool ayaa la la xidhiidhinayey saxeexa xiddigan khadka dhexe, kaasoo la sheegay inuu dib ugu soo laabanayo horyaalka Premier League. Heshiiskii ay Gunners kaga iibisay Fabregas kooxda Barcelona 2011 ayaa waxaa qeyb ka ahaa in haddii Catalans ay doonto inay dib isaga iibiso laacibka, kooxda ka dhisan waqooyiga London ay noqon doonto kooxda ugu horreysa ee xaqa u yeelan doonta gorgortanka xiddigan qadka dhexe.

Si kastaba, sida ay qoray Daily Mail Arsenal ayaa iska diiday fursaddaas ay dib ugala soo saxeexanayso kabtankeedii hore, maadaama xiddigan suuqa lagu soo dhigi doono £30m, balse macallinka Arsenal Arsene Wenger ayaa eegaya inuu kooxdiisa ka xoojiyo meelaha kale ee kooxda dhibaatada ka heysata, taasoo ka dhigan in Gunners aysan u baahnayn xiddigo khadka dhexe ah.