1:16 pm - Saturday June 24, 2017

Arsenal Oo Kaalinta 4-aad Bannaysatay Kana Guulaysatay Newcastle

Aidarous

Kooxda Arsenal ayaa si fudud ku dhaaftay Kooxda New Castle United oo marti ku ahayd caawa garoonka Emirates ee woqooyiga magaalada London  kadib markii ay kaga adkaatay 3-0.

Guusha The Gunners ayaa ka dhigaysa mid aan lala wadaagin kaalinta 4 aad ee kala horeynta horyaalka Premier Leugue ee wadanka Ingiriiska oo markii hore ku cidhiidh-yeysay Everton oo Shanaad iska aamintay wakhtigani.

Goolasha saddexda ah ee Arsenal kaga adkaatay New Castle ayaa waxa u kala dhaliyey, ciyaaryahanadeeda , Laurent Koscielny, Mesut Ozil iyo Olivier Giroud.

Arsenal ayaa leh 73 dhibcood 36 kulan oo ay ciyaartay , waxaana looga baahan yahay inay xejisato labada kulan ee u hadhay, si ay uga badbaado inay ka hadho horyaalka Champions League ee sanadka Dambe.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Beckham Oo Farxad Ku Gudoonsiiyey Wiilkiisa Biladdii Ugu Horeysay Ee Kubada Cagta ah

Taageerihii Muuska Ku Soo Tuuray Alves Oo Villareal Ciqaab Adag Marisay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: