Arsenal Oo Qarka U Saaran Weeraryahanka Higuain

Kooxda Arsenal ee ka dhisan magaalada London ayaa qarka u saaran in ay heshiis la gasho weeraryahanka Napoli ee Gonzalo Higuain.

Arsenal ayaa la sheegay in ay weeraryahankan reer Argentina keeni doonto garoonka Emirates bisha June, isla markaana uu ka garab ciyaari doono Oliver Giroud iyo xiddigaha kale ee kooxdaas ku sugan.Higuain arsenal shirt

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta ciyaaraha ee dalka UK, Arsenal ayaa diyaarisay €48 million oo ay weeraryahankan kaga iibsanayso Napoli, kaas oo la aaminsan yahay in uu ka niyad jabsan yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa ee xili-ciyaareedkan.

Higuain oo hore ugu ciyaari jiray Real Madrid ayaa laba sannadood ka hor waxa la filayey in uu heshiis la galo Arsenal ka hor intii aanu ku biirin Napoli, markaas oo ay kooxda Talyaaniga ahi lacag badan kaga iibsatay Real Madrid.

Arsenal ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa weeraryahanka kooxda Palermo ee Dybala kaas oo la aaminsan yahay in uu doonayo in kooxda la keeno saamiilaha Usmanov oo leh qaybta ugu badan ee Arsenal.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Man United Oo Xaraashaysa Van Persie Iyo Cavani Oo Ku sii jeeda Old Trafford

Ciyaartoy Ka Tirsanaa Xulka Qaranka Koonfur Afrika Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com