Arsenal Oo Si Dirqi Ah (rigoodhayaal) Ku Gaadhay Finelka FA Cup

Kooxda Arsenal ayaa u gudubtay Finelka koobka FA Cup , kadib markii ciyaar la isku naf baxay oo ku dhamaatay wakhtigii caadiga ahaa 1-1, rigoodhayaal kaga adkaatay kooxda Wigan garoonka Wembley ee magaalada London.

The Gunners oo iska soo beday gool uu daqiiqadii 64 aad ee qaybtii labaad ee ciyaata ka dhaliyey  Jordi Gomez, sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta iyo 30 miridh oo dheeraad ah oo lagu daray ay isla dhaafi waayeen 1-1, waxaanay guushu ku raacday rigoodhayaal 2-4 ah.

Arsenal ayaa wajahi doonta ciyaarta gunaanadka, kooxda soo baxda ciyaarta berri ee dhex mari doonta naadiyada Hull City iyo Sheffield United.

Naadiga London ka dhisan ee Arsenal ayaa qarka u saaran inay hantiyaan biladdii ugu horeysay mudo 9 sannadood ah oo ay ka qatanaayeen koobabka kala duwan ee horyaalada laga ciyaaro Yurub iyo gaar ahaan wadanka Britain.