arsenal

Theo Walcot ayaa laba gool u dhaliyey kooxdiisa Arsenal ciyaar ka tirsan tartanka Champions League marxaladdiisa koowaad ee hormooyinka oo ay isku haleeleen Basel.

Gunners waxay ku qaadatay inay hoggaanka ciyaarta qabato lix daqiiqo oo kaliya, markaas oo weeraryahanka Sanchez uu kubbad dhinaca uga soo jebiyey Walcott oo isna madax ku dhaliyey.

Ciyaartan oo ay ka muuqatay inay si aad ah isugu xidhan yihiin Walcott iyo Sanchez, ayna u dheerayd dardar iyo in hadafkoodu ahaa inay dawakhiyaan difaaca ka soo horjeeday, ayaa waxay mar kale hoggaanka sii dheeraysatay daqiiqaddii 26aad oo mar kale uu Theo Walcott goolka labaad dhaliyey, iyadoo kubaddana uu ka helay Alexis Sanchez.

Arsenal oo ciyaarta inta badan gacanta ku haysay, ayaa waxa goolal badan u diiday inay dhashadaan goolhaye Tomas Vaclik oo ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan xiddigaha Basel, laakiin kooxda kale lafteedu marbay goolka u dhowaatay, laakiin Birkir Bjarnason ayaa khasaariyey.

Arsenal waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee groupkan iyadoo ay isku dhibco yihiin PSG oo 3-1 kaga adkaatay Ludogorets Razgrad oo ay marti u ahayd. Dhibco ahaan waa isku mid PSG iyo Arsenal, laakiin goolasha ayaa ay ku kala badan yihiin.

Arsenal iyo PSG waxay leeyihiin min shan dhibcood, Basel iyo Ludogorets Razrad waxay leeyihiin min hal dhibic.