1:29 pm - Wednesday June 28, 2017

Arsene Wenger: Bendtner Fasax Umuu Haysan Inuu Copenhagen Tago, Waala Ganaaxayaa

Aidarous

BentnaarArsene Wenger ayaa sheegey in weeraryahan Nicklas Bendtner in lagu ganaaxi doono safarkii uu ku tagay dalkiisa Denmark isagoo aan wax fasax ah ka heysan kooxda.

Bendtner ayaan ku jirin kooxdii Arsenal ee barbaraha la soo gashay Bayern Munich taasoo ka rebtay Champions League, waxaana lagu soo waramayay shalayto inuu u hanjabay taksi wade isagoo cabsan oo maraya wadooyinka Copenhaghen caasimada Denmark.

Wenger ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id maanta: “Ma aqaano wixii dhacay. Waxa klaiya ee hubaasha ah ayaa ah inaanay jirin cid fasax u siisay inuu tago Copenhagen.

“Taas waa lagu ganaaxi doonaa … qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.”

Hadalkaas u danbeeyay ee Wenger ayaana muujinaya in Bendtner uu ku jiro xilli ciyaareedkiisii ugu danbeeyay ee mustaqbalkiisa Arsenal.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Madaxweynihii Bayern Munich Oo Iscasilay, Aqbalayna Xabsiga Saddexda Sanno Iyo Dheeraadka ah Ee Lagu Riday

Ronaldo Oo $ 83,000 Ugu Deeqay Qaliinka Ilmo Yar

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: