Arsene Wenger Oo Gacanta Laga Geliyey £50m iyo xiddigaha uu calaamadsaday

Goolhaye Petr Cech
Difaacyahanka Dortmund ee Subotic

Difaacyahanka Dortmund ee Subotic

Tababaraha Arsenal ayaa gacanta laga geliyey lacag dhan £50million si uu ugu iibsado ciyaartooyo uu calaamadsaday oo uu ku xoojiyo difaaca, dhexda iyo gool-haye.

Difaacyahanka Per Metesacker ayay ciyaartiisu hoos u dhacday xili ciyaareedka, waxaanu doonayaa Wenger in uu ku beddelo difaacyahanka Dormund ee Neven Subotic iyo Alexandar Dragogic oo u ciyaara Dynamo Kiev.

Goolhaye Petr Cech

Goolhaye Petr Cech

Gool-hayeyaasha Arsenal ee David Ospina iyo Wujciech Szczesny ayaa la sheegay in aanay Arsenal mustaqbal u horseedi karin, sidaa daraadeedna waxa uu Wenger bartilmaameed ka dhigtay Petr Cech oo sida ay wararka laga helayo Ingiriisku sheegayaan ay suurtogal tahay in ay Chelsea ogolaato in ay iibiso.

Ciyaaryahanka uu muddada badan u khushuucsanaa Wenger ee Morgan Schneiderlin ayaa uu doonayaa in uu kaga faa’iidaysto lacagtan, waayo waxa ay kooxdiisu tebaysaa khadka dhexe ee difaaca xigta, halkaas oo uu u arko in uu buuxin karayo Schneiderlin.

Morgan Schneiderlin

Morgan Schneiderlin (Bidix)

Gabriel iyo Laurent Koscielny ayuu tababare Wenger doonayaa in ay sii joogaan kooxda oo ay khadka difaaca ka ciyaaraan sannadka dambe, laakiin Metesacker ayaa shandadiisa ka qaadan doona Fly Emirates bisha June marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyadu.

Wenger ayaa aad u saluugay bandhig ciyaareedka difaacyahanka Jarmalka ah ee Metesacker kulankii FA cup ee Manchester United ee Isniintii, laakiin waa uu sii ciyaari doonaa xili ciyaareedkan maadaama ay kooxda dhaawac kaga maqan yihiin ciyaartooyo badan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho: Kubadda PSG Oo Kale Lagama Ogola England

Zlatan Ibrahimovic: Chelsea Waa Carruur”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com