Arsene Wenger Oo Si Xun Uga Cadhooday Dalab ay Manchester City Ku Doondyeso Wilshere

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa si adag ugu jawaabay kooxda Manchester City oo dooneysa in laga iibiyo laacibka khadka dhexe ee Wilshere.
Tababare Wenger oo ay warbaahintu weydiisay waxa uu ka yeelayo iyo in uu ka war-hayoba damaca City ee Wilshere ayaa waxa uu ku jawaabay in ay tahay wax caqliga ka fog in ay kooxdiisu iibiso mid ka mid ah ciyaartooyada ugu wanaagsan ee ay Arsenal haysato.
“Ma joogno meel aanu ku iibino ciyaartooyadayada ugu wanaagsan.” Sidaas ayuu yidhi Wenger.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa shalay baahiyey in City ay u gudbisay Arsenal dalab ay ku dooneyso in lagaga iibiyo laacibka khadka dhexe ee Wilshere, iyadoo isha ku haysta in xidhiidhkii wanaagsanaa ee u dhexeeyey labadaas kooxood uu saamayn ku yeesho in laga iibiyo Wilshere.
Wilshere ayaa xili-ciyaareedkan dhamaadka ah waxa uu kooxdiisa Arsenal u saftay 12 ciyaarood oo kaliya, waxaanu u dhaliyey hal gool, inta badanna waxa uu ku maqnaa dhaawacyo ku soo noqnoqday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Vilarrubi: Barcelona Iyadaa Cadow Isku Ah

Man City Oo Lacag Badan Ku Dooneysa Coutinho

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com