10:29 am - Sunday June 25, 2017

Arteta Oo Illig (Fool) Ka Dhacay Ciyaartii Gallabta Ee Hull City

Aidarous

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal , Mikel Arteta ayaa ku waayay mid kamid ah foolasha ilkihiisa, kulankii The Gunners ay 3-0 ka kaga adkaadeen naadiga Hull City oo ay u ballansan yihiin dagaalka ciyaarta kama dambeysta ah ee FA Cup.

Laacibka reer Spain ayaa ku ilko beelay kadib markii uu ku dhacay xusulka (suxulka ) ciyaaryahanka difaaca Hull ee  George Boyd , waxaanu intii dambe oo dhan ku ciyaarayay isagoo fool la’ (afdaloola) sidaasna ku dhamaystay oo kula dabaal degay kooxdiisa guusha ay ka keeneen horyaalka.

Arteta ayay dadka qaar aaminsan yihiin inuu ku qurux badan yahay fool la’aanta , maadaama sawiro laga qaaday isagoo qoslaya mar uu uga sheekaynayay qaar kamid ah asxaabtiisa Arsenal oo ka maadsanaya.

Daawo Sawirada Arteta ee ilaa markii uu duulayay foolku …..

Arteta oo sii eegaya Illiga ka duulay

Arteta oo sii eegaya Illiga ka duulay

Arteta ayaa aaminsan in George Boyd suxulka gacantiisa xooga badani ka riday Iliga

Arteta ayaa aaminsan in George Boyd suxulka gacantiisa xooga badani ka riday Iliga

Arteta oo Si cad uu u muuqdo foolka sare ee ka dhacay

Arteta oo Si cad uu u muuqdo foolka sare ee ka dhacay

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Barca oo dirqi kaga badbaaday guul La’aantii 4-aad oo xidhiidh ah

 Eeg Liiska Tababarayaasha Soo gaadhay Kulamada ugu Badan Semi-finalka Champion League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: