Asamoah Oo Raacaya Dariiqii Ibra, Davids, Dino Baggio Iyo Patrick Vieira

Difaaca Juventus ee Kwadwo Asamoah ayaa uu dhamaaday heshiiskii uu kula joogay kooxda reer Turin, waxaana uu dhowaan u dhaqaaqi doonaa naadiga ay aadka u xafiiltamaan ee Inter Milan oo uu heshiis xor ah ugu wareegi doono.

Difaacan 29 jirka ah ee reer Ghana ma noqon doono ciyaartoygii ugu horreeyey ee Juventus uga wareega Inter Milan, hase yeeshee wuxuu noqonayaa ciyaartoygii ugu dambeeyey ee shandaddiisa ka qaata magaalada Turin kana dega magaalada Milan oo ah halka loollanka ugu adag uu kaga yimaaddo Juve.

Kwadwo Asamoah waxa ka horreeyey oo Juventus ku dhaqaaqay ciyaaryahanno badan oo si toos ah u xidhay funaanada Inter Milan.

Zlatan Ibrahimovic oo ahaa xiddiga ugu fiican Juventus ayaa sannadkii 2006 ka tegay kooxda reer Turin, waxaana uu ku biiray Inter Milan ka hor intii aanu AC Milan u ciyaarin markii uu kasoo laabtay Barcelona.

Halyeygii Faransiiska ahaa ee Patrick Vieira ayaa ka dhaqaaqay Juventus oo uu sannad kaliya u ciyaarayey sannadkii 2006 isagoo uga soo wareegay Arsenal, waxaana uu heshiis u saxeexay Inter Milan, taas oo sii furtay liiska ruug-caddaaga labada kooxood u kala wareegay.

Ciyaaryahanno kale oo magac weyn ayaa Juventus funaanaddeeda iska saaray, kana door biday garanka midabka qurxoon ee Inter Milan, waxaana ka mid ahaa: Fabián Carini, Edgar Davids, Angelo Peruzzi, Salvatore Schillaci, Luigi De Agostini, Dino Baggio, Aldo Serena, Marco Tardelli iyo Pietro Anastasi.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.