Athletico Madrid Oo Ku Tumatay Ac Milan Iyo Wacdarihii Garoonka Vicent Calderon

Kooxda Uu tababaro Macalin , Diego Simeoni , Atletico Madrid ayaa karbaash la dhacday kooxda Talyaaniga ah ee Ac Milan oo marti ugu ahayd garoonka Vicent Calderon ee Caasimada wadanka Spain ee Madrid, sidaana isaga xaadirisay Rubuc dhamaadka horyaalka ugu xiisaha badan Yurub ee Champions League.

Naadiga Atletico ayaa 4 gool iyo 1  dirtay kooxda Milan oo kulankii hore ee gurigeeda  lagu ciyaarayna guuldaro gool iyo waxba ahi ku dhacday, taas oo celceliska lagaga saaray Horyaalka Yurub ka dhigaysa natiijo 5-0 ah.

Laba gool oo uu goolwadaha daba mariyey weeraryahanka shabaqa u halliila ee Diego Costa , gool uu dhaliyey Ardo Turan iyo gool uu saxeexay Raul Garcia ayaa ugu filaaday naadigan caasimada Spain ka dhisan ee Atletico Madrid inay kaga takhalusaan  kooxda Aduunka caanka ah ee Milan oo habeenkii xallay ahaa Anfariir iyo u qaadan waa kala dareertay Garoonka Vicent Caldereron, waxbana uu ugu filaan waayay goolkii Madiga ahaa ee uu barbaraha kaga dhigay ciyaarta laacibka Kaka  kahor intii aan goolasha daadka ahi ku fatihin.

Atletico Madrid ayaa Horyaalka Spain kaga jirta Kaalinta labaad , xallayna u gudubtay rubuc dhamaadka horyaalka Naadiyada Yurub ee Champion ka , waxaanay u muuqataa mid si weyn diyaar ugu ah , inaanay sanadkan gafin dhacdo qiimo badan oo ay dabaal deg ku qaabisho.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

UEFA Maku Ganaaxi Doontaa Bayern Munich Qoraaladii Aflagaadada Ahaa Ee Taageerayaasheedu Soo Bandhigeen Ciyaartii Arsenal

Hoeness Oo Daawade Ka Ahaa Kulankii Munich Iyo Arsenal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com