3:16 pm - Saturday January 20, 6857

Atletico Madrid Oo Aflagaadeysay Garsoorihii Dhexdhexaadiyey Kulankii Real Madrid

252 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Atletico Madrid Oo Aflagaadeysay Garsoorihii Dhexdhexaadiyey Kulankii Real Madrid

Mario Mandzukic

Ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid ee Mario Suarez ayaa dhalleeceeyey garsooraha reer Serbia ee Milorad Mazic qaabkii uu ula dhaqmay Mario Mandzukic kulankii ay labada kooxood ee Real Madrid iyo Atletico maryaha dhiigga leh ku kala furteen ee ka dhacay garoonka Calderon.

Mandzukic ayaa dagaal kula jiray difaacyahannada Real Madrid, khaasatan Sergio Ramos oo wajiga ka dakhray, isla markaana suxul uu ku dhuftay uu sababay in dhiiggu istaagi waayo Manduzukic.

Mandzukic oo u dhashay wadanka Croatia ayaa la siiyey kaadh huruud ah kadib markii ay isku dhaceen Raphael Varane.

Suarez ayaa arrintan ku tilmaamay mid qayru masuulnimo ah oo uu garsooraha ciyaartu sameeyey, isla markaana hab-dhaqankiisu aanu ahayn mid dhexdhexaad ah khaasatan sidii uu ula macaamiley Manduzukic oo dhiiggu ka qubanayo.

“Garsooruhu aad ayuu u xumaa. Aniga oo ixtiraamaya, garoore kamay keenin Serbia maanta. Garsooruhu ma muujinin tayo ku filan.” Sidaas ayuu yidhi Suarez.

Atletico iyo Real ayaa ku kala baxay barbar dhac 0-0 waxaanay ku ballansan yihiin in is aragga labaad ay Arbacada toddobaadka dambe ku kulmaan garoonka Bernabeu ee Real, halkaas oo midkood uu u gudbi doono wareegga Semi-finalka ama afar-dhamaadka.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Spartak Moscow Oo Cunsuriyad Iyo Fawdo Darteed Ganaax £8,500 Ah La Saaray

David Luiz Oo Si Mucjiso Leh Garoomada Ugu Soo Laabtay, Diyaarna U Ah Kulanka Barca

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com