3:04 am - Sunday June 25, 2017

Atletico Madrid Oo Bartilmaameed sanaysa Javier Hernandez

Aidarous

Javier Hernandez ayaa laga yaabaa inuu ka mid noqdo, ciyaaryahanada xagaagan shandadohooda ka xidh-xidhan doona garoonka Old Trafford, iyadoo wararka la helayaana tilmaamayaan in heshiiskiisa ay ula booc ah ugu tukubayso kooxda Atletico Madrid aadna u xiisaynayso.

Laacibkan qaranka Mexico ayaa khaati ka jooga kursiga kaydka ee la hadhay tan iyo inta uu kooxda shookaanta u qabtay tababare David Moyes, tartanada ay kooxdu ka qayb gashay oo dhana 11 ciyaarood oo kali ah uu kamid noqday kooxda safka hore ee ciyaarta lagu bilaabo (line up).

Hernandez, oo ay weheliyaan ciyaaryahano dhowr ah oo kale , ayaa taagan iridka bixida, diyaarna u ah inay raacaan xaraashka suuq furanka sanadkan.

Wargeyska afka dheer ee ka soo baxa wadanka Spain ee El Mundo Deportivo ayaa bogiisa hore ku xardhay damaca kooxda Atletico – ee isku aadka Champions Leaguena ku beegantay Chelsea , inay hogaanka u hayso naadiyada sida weyn u doonaya wiilkan 25 jirka ah.

Kooxda Reer Spain oo la rajaynayo inay qaadanayso kharashka badan ee lagu doonayo Weeraryahankeeda Diego Costa oo ay xodxodanayso Chelsea , ayaa Hernandez u aragta Badalka ugu fiican ee buuxin Kara booska uu baneeyo Costa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Man Utd Iyo Van Gaal Oo Wadahadal Dhex Maray

Arsenal Oo Si Dirqi Ah (rigoodhayaal) Ku Gaadhay Finelka FA Cup

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: