1:21 pm - Saturday June 24, 2017

Atletico Madrid Oo Ku guulaysatay horyaalka dalka Spain ee La Liga Iyo Barcelona Oo Koob La’aan Noqotay

Abdiwahab Ahmed

Kooxda kubadda cagta ee Atletico Madrid ayaa caawa ku guulaysatay horyaalka dalka Spain kadib markii ay barbar dhac 1-1 ah ku kala baxeen Barcelona.

Gool uu Godin u dhaliyey daqiiqaddii 49aad ee ciyaarta ayaa u saamaxay kooxda Atletico in loo caleemo saaro horyaalka wadanka Spain ee sannadkan, kaas oo ay ugu dambaysay sannadkii 1996-kii.

Kooxda Barcelona ayaa haysata fursad ay ku guulaysan karto hal koob xili-ciyaareedkan kadib markii uu gool u dhaliyey Sanchez daqiiqaddii 33aad, kaas oo si fudud uu u dhex dhigay goolka Atletico Madrid.

Farxad ayay taageereyaasha Barcelona bilaabeen, waxaanay ku ooriyeen ciyaartooyada kooxda ka soo horjeedda, waxaanay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay 1-0 ay ku hoggaaminaysay Barcelona.

Markii la isugu soo noqday qaybta dambe ee ciyaarta ayaa waxa daqiiqaddii 4aad ee qaybtaas goolka barbar dhaca u dhaliyey Atletico Madrid laacibkooda u xidha lambarka 2aad ee Diego Godin.

Weerar iyo weerar celis, is-difaac iyo ciddiyo ku dagaalan kadib, waxay ciyaartu ku dhamaatay 1-1, waxaana sidaa horyaalka sannadkan ku noqotay Atletico Madrid.

 

Muuqaaladi Ciyaarta

Ateltico atletico Ma Atletico Mad atletico madrid atletico madridaaaa

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

War Degdeg Ah: Tababare Martino Oo Tegitaan Iyo Raalli-Gelin Isugu Daray Barcelona

Wenger Oo Shaaciyey Inaanu Arsenal Ka Tagayn Kadib Guushii FA Cup Ee Soo Afjartay Sagaal Sanno Oo Koob La’aan Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: