Atletico Madrid Oo Ku Jiq Siisay Barca

Antoine Griezmann ayaa laba kamid ah dhaliyey saddex gool iyo waxba ay kooxda Atletico Madrid ku dul martay kooxda Almeria.

Mario Mandzukic ayaa rigoodhe bilowgii ciyaartaba hogaanka ugu dhiibay Atletico ka hor intii aanu isla qaybtii hore ee ciyaarta laba gool oo daran doori ah raacinin weeraryahanka la hollin la’yahay ee Griezmann, kulan kooxda tababare Diego Simeone martideedii dhulka jiid jiiday, xaalna ku sii xumaaday markii kaadhka casaanka ah lagaga saaray ciyaaryahan Guilherme Siqueira isla markaana ay 10 wiil oo kali ah la ciyaarayeen 10 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeysay.

Kooxda Almeria, ayay guuldaradan soo gaadhay ka dhigaysaa inay sidaas ku soo afjarantay saddex ciyaarood oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin, natiijada ka soo baxda kulamada maanta ee horyaalka La Liguhuna dhabar jab ku yihiin maadaama ay suurto gal noqonayso inay kaalmaha ugu hooseeya ku dhaadhacdo.

Atleticona waxay ku dhawaatay oo 3 dhibcood oo kaliya u jirtaa kaalinta labaad ee horyaalka oo ay ku jirto Barcelona oo iyada habeenkani u ahaa mid guuldaro.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Barca beaten – Malaga Oo Garoonkooda Ku Karbaashtay Barcelona

“Ha iga qoslin xaalad aan qoslo kuma jiree” – Jose Mourinho

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com