Atletico Madrid v Real Madrid: Booliska Rabshadaha Oo Heegan La Geliyey

Habeenka Salaasada waxa la sugayaa ciyaarta koowaad Champions League ee Atletico Madrid iyo Real Madrid oo ka dhici doonta garoonka Calderon ee kooxda Atletico.

Labadan kooxood oo ay ka dhexayso cadaawad iyo loollan adag ayaa la filayaa in xamaasaddeedu ay noqoto mid la xakamayn kari waayo, isla markaana taageereyaasha badan ee ka qayb gelaya daawashadeedu ay suurtogal tahay in ay isku dhacaan.

Ciidamada booliska ee dalkaas u qaabilsan ka hortagga rabashada ayaa la diyaariyey, waxaana Salaasada ay raxan ciidan ahi ku sugnaan doonaan garoonkaas si ay u baajiyaan in ay rabshado dhacaan.

Saraakiisha Booliska ee dalka Spain ayaa soo dejiyey qorshe ay ku xakamaynayaan taageereyaasha, iyadoo albaabada laga gelayo garoonka ay istaaagi doonaan ciidanku, isla markaana kuwo kale oo suga garoonku ay gudaha ku jiri doonaan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Lucas Moura: “Leo Messi Ayaan ku daydaa”

Liverpool Oo Caddaadis Saartay City – Kadib Guusha Ay Ka Gaadhay Newcastle United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com