1:35 pm - Wednesday June 28, 2017

Australia 2-3 Netherlands: Van Persie Iyo Robben Oo Rajadii Australia Mugdi Galliyey

Aidarous

Xulka qaranka Netherland ayaa halkii ka sii wada guulihii ay ku doonayeen inay ku hantiyaan koobka aduunka , waxaanay caawa ku burburiyeen xulka qaranka Australia 3-2 , ciyaartii labaad ee Group B ku dhex martay labada xul magaalada Porto Alegre.

Weeraryahanka qaranka Oranje ee Arjen Robben ayaa furay gool dhalinta daqiiqadii 20 aad , kubad uu soo jiitayna shabaqa dhigay, waxaase gool aad u qurux badan ku barbareeyey weeraryahanka Tim Cahill daqiiqad kaliya kadib goolkaas Holland.

Australia ayaa u muuqatay mid ka awood badan Dutch-ka , kabtan Mile Jedinak ayaa goolkii labaad oo rigoodhe ahaa ku ruxay shabaqa xulka Holland , hogaankana sidaas ugu dhiibay Australia , laakiin Robin van Persie ayaa Holland u barbareeyey, waxaana goolkii guusha u raaciyey Memphis Depay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Nigeria : Qarax Gilgilay Goob Koobka Aduunka Lagu Daawanayay Tirada Dhimashada Oo Kor U Sii Socota

Muuqaalo – Spain Oo Ka Hadhay Koobka Aduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: