7:31 pm - Friday August 18, 2017

“Awalba 6 dhibcood iyadoo nalaga sareeyo ayaan figta u soo baxnay ,” Isco

Aidarous

IscoWeeraryahanka kooxda Real Madrid ee Isco ayaa tibaaxay in guuldaradii 1-2-da ahayd ee ay kala kulmeen Sevilla, inay tahay mushkilad ay aad u fududahay ( sida xabad kiniin ah oo aad liqayso) sida loo ilaawaa, waxaanu ku adkaystay inay Real ka soo kaban karto , dibna u hanan karto kaalinta koowaad ee kala horeynta horyaalka La Ligaha.

“Guuldaro xun bay ahayd. Waxay gebi ahaanba bedeshay jawigii aanu ku jirnay marka loo eego laba ciyaarood ka hor sidaanu ahayn. Laakiin waxaanu nahay Real Madrid, waana shaqadayada inaanu samayno dib u curasho. Waxaanu aad ugu qanacsanahay inaanu si hawl yar dib ugu soo noqon karno hogaanka. Waxaa nalaga sareeyey lix dhibcood bilo uun ka hor , sidaas darteed waa maxay sababta aanaan kor ugu soo bixi karin markale,” ayuu yidhi Isco.

Kooxda Real ayay isku raaceen laba guuldaro oo foolxumi , midii Barcelona oo ay u raacday tan Sevilla mudo todobaad ah gudihii. Mashaqadaas oo aan hal mar haleelin shantii sanno ee ugu dambeeyey. Wuxuuse Isco ku adkaystay inay xooga saari doonaan kulanka Sabtida ee Rayo Vallecano.

“Ciyaartii noo xigtay baa iyana soo degdegtay, anagoo fiican, waxaanan ku soo laabanaynaa jidkii Guusha sidii aanu ahaan jirnay.” Ayuu hadal ku soo khatimay weeraryahanka Real Madrid ee Isco.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Drogba Oo Qarka U Saaran Inuu Ku Biiro Juventus

Luis Suárez: Oo Macasalaamaynaya England

Related posts
Trackbacks/Pingbacks
  1. Isco Oo Laga Reebay Xulka Spain Uga Qayb Gallaya Koobka Aduunka : Cadalool - 14/05/2014

    […] Isco ayaan soo bandhigin ciyaar qurux badan ciyaarihii horyaalka qaybtii dambe oo dhan, in kastoo uu hadana marar badan badbaadiyey, taas ayaana loo badinayaa sababta uu uga tagay tababare Del Bosque, halka Arbeloa uu booska ka saaray wiilka dhawaan soo baxay ee Dani Carvajal. […]

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: