Baadhitaan Lagu Samaynayo Dhaawac Messi U Diiday In Uu Dalkiisa U Ciyaaro

Lionel Messi muu ciyaarin labadii ciyaarood ee xulka qarankiisu la yeeshay Ecuador iyo El Salvador, waxa la sheegay in uu dhaawac ka qabo lugta midig. Waxa la is-weydiinayaa xilliga uu dhaawacu gaadhay. Wararka qaarkood waxay sheegayaan in uu ciyaartii Clasico Ku dhaawacmay, hase yeeshee kuwo kale ayaa ku doodaya in kulankii Barcelona iyo Manchester City uu ku dhaawacmay.

Tababaraha xulka qaranka Argentine, Tata Martino ayaa u sheegay saxaafadda in ay sugayeen illaa daqiiqaddii ugu dambaysay in uu awoodi karayo in uu ciyaaro iyo in kale ciyaaraha xulka dalkiisa, hase yeeshee ay markii dambe caddaatay in aanu ciyaari karaynin.

“Waxa aanu siinay Messi illaa daqiiqaddii ugu dambaysay, laakiin wuu awoodi kari waayey in uu ciyaaro. Isaga laftiisa dhaawac ayay ku tahay in uu ciyaari kari waayaa, waxaanse raalligelin u dirayaa dadkii u yimid garoonka si ay isaga u arkaan.” Sidaas waxa yidhi Tata Martino.

Haddaba, Messi iyo Javier Mascherano waxay ku laabteen Barcelona, waxaana lagu samayn doonaa baadhitaan dhibaatada ay qabto lugta uu ka cabanayo Messi, waxase jira warar shaki gelinaya in uu ciyaari doono kulanka Axadda ay Barcelona la ciyaari doonto Celta Vigo.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Ribery Oo Diiday In Bayern Munich Soo Iibsato Kevin de Bruyne

War Degdeg Ah: Alaba Oo Laba Bilood Ciyaaraha Ka Maqnaan Doona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com