Baarlamaanka Dalka Uruguay Oo Abaal-marrin Guddoonsiiyey Kabtanka Xulkooda Diego Godin

godin

Baarlamaanka Waddanka Uruguay ayaa abaal-marrin guddoonsiiyey shakhsiyaadkii ugu taariikhda qurxoonaa ee soo mara xulka Qaranka kubadda cagta dalkaasi.

Abaal-gudkan oo lagu magacaabo ‘Premio Jose Nasazzi-Obdulio Varela’ ayaa loogu magac daray Kabtannaddii hore ee xulka Uruguay ee ku guuleystay koobabkii adduun ee 1930 iyo 1950.

Godin, oo 30 jir ah, difaacana uga ciyaara Atletico Madrid ayaa si diirran uga guddoomay abaal-marrintan Baarlamaanka dalkiisa, waxaana uu yidhi “Anniga ahaan sharaf weyn bay ii tahay inaan abaal-marrintan idinka guddoomo hadalkiiyoo kooban”.

“Tanni waxay sii xoojineysaa daacadnimadeyda iyo mas’uuliyadayda dhinaca saaxibadeyda aan isku xulka nahay, kubadda cagta, bulshadda iyo carruurtayda kuwaas oo ah mustaqbalka waddankayga” ayuu sii raaciyey Kabtan Godin.

Nasazzi iyo Varela ayaa taariikh ku leh Waddanka Uruguay maadaama iyaga oo kabtanno ah dalkooda u horseedeen guushii koobabkii adduunka 1930 iyo 1950.

Godin waxaa kulankiisii ugu horeeyay uu u ciyaaray Uruguay sannadkii 2005-tii, waxaana uu u saftay 101-kulan wixii wakhtigaas ka dambeeyay isagoo qeyb ka ahaa xulkii ku guuleystay Copa America 2011, isla markaana kaalinta 4-aad ka galay Koobkii Adduunka 2010 ee South Africa.