1:15 pm - Saturday June 24, 2017

Bacary Sagna Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Manchester City

Aidarous
bacary-sagna

Kooxda Manchester City ayaa ku dhawaaqday in difaacyahan Bacary Sagna uu si xor ah ugu soo wareegay kooxdooda uga soo dhaqaaqay dhinaca Arsenal.

Laacibkan qaranka France ayaa u saxeexay heshiis shan sanno ah naadiga City, kadib markii uu Khamiistii shaaca ka qaaday inaanu heshiiska u cusboonaysiinaynin kooxda Gunners.

31 jirkan khadka difaaca uga ciyaari jiray Arsenal , ayaa in mudo ah la hadal hayay meesha uu sal dhigi doono , iyadoo diyaaradiisu gaaf wareegaysay uun kooxaha horyaalka Priemier League midkood, ilaa uu aakhirkii soo baxay warkan Manchester inay cago dhigatay ahi, waxaanu sidaas ku macasalaameeyey Emirates Stadium.

Tababaraha Faransiiska ah ee Wenger ayaa imika isna fursad u hellaya uu ku xoojiyo damacii uu ku daba joogay ciyaaryahanada Atletico Madrid , ee Juanfran iyo xidiga Toulouse ee Serge Aurier oo uu ku daba jiray, si uu ugu buuxiyo booska uu baneeyey Sagna.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

(Muuqaalo) Brazil Oo Ciyaartii Furitaanka Tuntay Croatia Iyo Neymar Oo Wacdaro Dhigay

Mexico 1- 0 Camaroon

Mexico 1-0 Camaroon : Maroodiyadii Afrika Oo Ku Bariiqday Mexico

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: