3:16 pm - Friday January 20, 6890

Bale iyo Pepe Oo Dhaawac Kaga Maqnaanaya Ciyaaraha toddobaadkan

192 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Bale iyo Pepe Oo Dhaawac Kaga Maqnaanaya Ciyaaraha toddobaadkan

Real Madrid ayaa xaqiijisay in difaacyahanka Pepe laga daweynayo dhaawac ka gaadhay muqura kulankii Clasico isla markaana uu awoodi kari waayey in uu u ciyaaro qarankiisa Portugal ciyaarihii qaramada.

Baadhitaano lagu sameeyey Pepe ayaa muujiyey in uu u baahan yahay nasasho iyo waliba in uu daaweyn qaato muddo cayiman, taas oo meesha ka saartay in uu ciyaari karo kulanka Axadda ay Real Madrid la ciyaari doonto Granada.

Warar kale ayaa sheegay in uu muddo toban maalmood ah ciyaaraha ka maqnaan doono, isla markaana uu ciyaartiisa u horeysa safan doono kulanka Champions League ee ay Real Madrid 14 April la ciyaari doonto Atletico Madrid.

Dhinaca kale, Gareth Bale ayaa shaki la geliyey in uu ciyaari doono kulanka Axadda ee Granada kaas oo uu muqura dhaawac ka gaadhay xili uu tababarka la samaynayay kooxdiisa kadib ciyaartii dalkiisa Wales uu ku derderay Isreal.

Isniintii ayuu Bale bilaabay in uu jimicsiga jidhka ah sameeyo kaas oo uu waday illaa Salaasadii, hase yeeshee sida loo badinayo wuu ka maqnaan doonaa kulanka Axadda.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kufsi Lagu Eedeeyey Mo Farah Saaxiibkii iyo Dil Loogu Hanjabay

Luke Shaw Oo Hoggaaminaya Difaacyada Baallaha Ee Dunida Ugu Qaalisan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com