Balotelli oo Goolkii Ugu Horeeyey Horyaalka Intii Uu Liverpool La Joogay Guul Ugu Horseeday

Super Mario oo Abaartii gool la’aaneed kaga baxay mid hiil u noqday Liver – Adhaxdana ka Jabiyey Tottenham.Mario Balotelli oo goolkii koobaad ee League u dhalinaya Liverpool

Mar kaliya afka uma kala furin xataa ilko cadayn yar ma muujin si uu u dabaal deggo Mario Balotelli. In kastoo tababare Brendan Rodgers isagu uu afka isku dari waayay ama bishimaha isu keeni waayay farxad darteed.Mario Balotelli oo goolkii koobaad ee League u dhalinaya Liverpool 5

Saddex iyo toban ciyaarood iyo todoba bilood oo uu ka dhex muuqday horyaalka Barclays Premier League isagoo ku lebisan funaanada kooxda Liverpool sidii hore xagaagani uguma dhamaanayo, Balotelli ugu dambeyn wuxuu ugu deeqay Gool kaas oo noqday mid kooxdiisa ka samato bixiyey xaalad ay u baahnaayeen inay badbaadaan.Mario Balotelli oo goolkii koobaad ee League u dhalinaya Liverpool 1

Siday runtu ahayd, mid sidaas loo filayay ma ahayn, kubaddii uu dhulka soo raaciyey Adam Lallana laakiin inta la duwey shabaqa xagiisa sare cuskatay wakhti baahida gool maraysay heerkii ugu sareeyey, siduu doonose haku dhashee, wuxuu ahaa mid wax kasta ka qiimo badan.Mario Balotelli oo goolkii koobaad ee League u dhalinaya Liverpool 2

Habeen markii ay ogaadeen inay garaaci karaan Tottenham, Liverpool u muuqatay kuwo ku fikiraya inaanay taasi wax dhacaya ahayn ama ay tahay sacab timo yeesha. Laba jeer ay hogaanka qabteen – labadaas goorna fursadu soo martay oo ay kala dhaliyeen Markovic iyo Steven Gerrard – iyo labadii goorba laga daba keenay oo lala sinmay, Harry Kane iyo Mousa Dembele goolasha u soo rideen Tottenham.Mario Balotelli oo goolkii koobaad ee League u dhalinaya Liverpool 3

Xaqiiqdiina, bareejuhu ahaa cadaalad. Tottenham walow ay si debecsan ku bilowday hadana gadaal iska soo xoojisay.
Rodgers iyo Liverpool, siday doonto ha u dhacdee, waxay uga fadhiyeen isbedel Balotelli imikana waxaynu odhan karna wey ka heleen . Wakhti xaadirkan – u tartamidii kaalinta afraad ee Champions League booskaasi waa furan yahay cidii helli lahaydba – iyaga ayuunbaanay ku xidhan tahay siday ugu tuntuunsan lahaayeen.Mario Balotelli oo goolkii koobaad ee League u dhalinaya Liverpool 4

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Walcott iyo Koscielny oo Arsenal dib ugu soo celiyey Kaalinta 4 aad

England: Ciyaaryahan Soomaali Ah Oo Loo Xidhay Budhcadnimo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com