10:28 am - Sunday June 25, 2017

Balotelli: Waxaan Doonayaa Inaan 40 Gool Dhaliyo Xili Ciyaareedkii

Aidarous

Weeraryahanka kooxda Ac Milan Mario Balotelli ayaa farxad ku soo dhaweeyey ka qayb gallkiisa kulankii 50 aad ee uu u safto Naadiga iyo Goolkii 30 aad oo uu maanta u dhalliyey, kuna adkaystay in goolasha dhalintooda uu sii kordhinayo.

Xidiga qaranka Talyaaniga, ayaa goolkii furitaanka u dhalliyey Milan kulankii Maanta ay sida xaragada leh 3-0 ka ugu dhaaftay kooxda sii dhaadhacaysa ee Livorno.

Goolkan uu dhalliyey ayaa noqonayay kiisii 14 aad ee Seria A uu ka dhaliyo xili ciyaareedkan, taas oo macneheedu yahay inuu goolkani ka dhigayo Super Mario xili ciyaareedkii uu ugu gool dhalinta badnaa , waxaanu ku faraxsan yahay Rikoodhka cusub, wuxuuse ballan qaaday inuu sii kordhinayo.

“Waxaan ku faraxsanahay guusha aan gaadhay ee dhinaca rikoodhka gooldhalintayda ee hal xili ciyaareed,” ayuu ku yidhi warfidiyaha La Gazzetta dello Sport. “Laakiin sidoo kale xili ciyaareedyadii hore, gaar ahaan markaan joogay England, Waxaan dhalliyey goolal intaas ka badan.

“Aad baan ugu riyaaqsanahay inaan gaadho rikoodh ka 14 gool, waana inaan sii kordhiyaa dedaalka, waxa jira ciyaaryahano dhaliya 40 gool sanadkii.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Sherwood: Sandro Kuma Soo Baxayo Tottenham Ee Meel Kale Ha Raadsado

Chelsea Oo Dhulka Lala Dhacay Iyo Borini Oo Ciqaabtaas Qayb Libaax Ka Qaatay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: