6:53 am - Sunday August 20, 2017

Balotelli:“Waan ku kalsoonahay Awooda Qaranka Talyaaniga Ee koobka aduunka”

Khadar Dirir

Laacibka iska yaabiska badan ee kooxda Milan “Mario Balotelli” ayaa sheegay inuu u baahanyahay in saxaafada iyo dadku ka sheekeeyaan, isagoo yidhi waxaa la soo gaadhay xiligii laga hadli lahaa waxa aan garoonka ka sameeyo.

Mario waa shaqsi ku caan-baxay samaynta waxyaabo la yaab leh, marka uu garoonka ka banaanka joogo, waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mida marki uu xidhay funnaanada Milan isagoo ka tirsan kooxda Inter, sidoo kale markii uu iska gubay maankiisa xiligii uu Man City joogay, sidaas ay tahay waxaa lagu tiriyaa Mario inuu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican xulka Italy ee ka qeyb gelaya koobka aduunka 2014. Sunday Mail ayuu u sheegay hadalkaan ” dadku waxay jecelyihiin iney ka sheekeeyaan Mario, waxay doonayaan inay wax ka qoraan Balotelli laakiin hada waxaa la soo gaadhay marki ey ka hadli lahaayeen waxa uu garoonka ka dhax samaynayo”Waxaan rabaa inaan ka mid noqdo xiddigaha ugu fiican koobka aduunka, waa ku kalsoonahay awooda Italy, waana ku guuleysan karnaa koobka aduunka, waa laga yaabaa in mid ama laba xul oo naga awood badan ay joogaan,”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciyaaryahan Robin Van Perise Oo ka dardaar wariyey jawiga dalka Brazil

Rasmi – Febrigas Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Chelsea ………..

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: