Barça iyo Athletic Oo Faynalka Copa del Rey Isku Haleeli Doona Bernabéu

LBernabeuabada kooxood ee Barcelona iyo Atletico Bilbao ayaa isugu soo hadhay ciyaarta u dambaysa ee Copa del Rey ee dalka Spain, kaas oo la qaban doono 30 May.

Inkasta oo aan si dhab loo ogeyn garoonka martigelin doona ciyaartaas qaaliga ah, haddana waxa la filayaa in xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Spain RFEF uu kulan yeesho toddobaadka dambe kaas oo uu go’aan kaga gaadhi doono garoonka ay ka dhici doonto ciyaartaasi.

Sida ay ku soo warramayaan waxaafadda dalka Spain, waxa saadaasha koowaad sita garoonka kooxda Real Madrid ee Bernabeu, kaas oo marka loo eego garoomada kale kaga horreeya adeegyo badan.

Waxa tartanka ku wada jira oo ay xidhiidhku qiimayn doonaan garoomada Bernabéu, Camp Nou, new San Mamés, Mestalla iyo La Cartuja laakiin sida ay u badan tahay Camp Nou oo ay leedahay Barcelona waa ay adag tahay in ciyaarta loo xusho in lagu qabto. Sidoo kale, garoonka Calderon ee Atletico Madrid ayaa isna ku jira kuwa la eegi doono.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wenger Oo Xaqiijiyey In Gabriel Uu Muddo Cayiman dhaawac maga maqnaan doono Arsenal

Ilmadii Sergio Busquets Oo Ruxday Quluubta Barcelona iyo Muuqaallada Naxadinta Leh Ee Dhaawaciisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com