5:41 pm - Thursday July 27, 2017

Barca oo dirqi kaga badbaaday guul La’aantii 4-aad oo xidhiidh ah

Aidarous

Laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka badbaadiyey guuldaradii afraad oo xidhiidh ah naadigiisa, kadib markii ay Catalanku guuldaro 2-1 ah Nou Camp uga xambaariyeen kooxda Athletic Bilbao caawa.

Messi ayaa daqiiqadii 74 aad ee ciyaarta s
habaqa dhex dhigay gool kubad loo dhigay xariiqda ganaaxa meel u jirta wax ka yar Talaabo, kaad oo noqday goolka guusha ee Barca u horseeday inay wali sii cidhiidhsato kaalintay ku leedahay ku dagaalanka horyaalnimada ee ay kula jirto kooxaha reer Madrid ee Real Iyo Athletico.Atletic oo Dabaal degaysa

Dhawaaqa iyo sawaxan garoonka weyn ee Nou Camp ayaa markaliya demay kadib markii shabaqa Barcelona uu taabtay gool daqiiqadii 49 aad ee ciyaarta Aritz Aduriz u saxeexay Athletic Bilbao, waxayse taageerayaashi neefi ka soo booday markii ciyaartu maraysay 72 oo uu barbareeyey weeraryahan Pedro Rodriguez.

Pedro oo barbaraynaya

Garoonka Camp Nour ayaa ruxmay oo gilgishay laba daqiiqo kadib goolka Pedro, markaas oo Messi oo aan indhawayd gool dhalini goolkii guusha u saxeexay Barcelona.

Barca ayaa Hogaanka wali kaalinta labaad fadhida oo leh 81 dhibcood, waxaanay 4 dhibcood ka hooseysaa kooxda Hogaanka Haysa ee Atletico Madrid, halka Real Madrid oo ciyaari baaqi u tahay ay leedahay 79 dhibcood.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Taageerayaasha Everton oo Hees Iyo Orin Isugu Daray David Moyes + Caydii Qaawanayd Ee Uu Ku Yidhi Mid Kamid Ah Difaacyahanadiisa Iyo Khalkhalkii Man United Qabsaday

Arteta Oo Illig (Fool) Ka Dhacay Ciyaartii Gallabta Ee Hull City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: