Barcelona Aad Ayey Nooga Awood Badnayd – Sirigu

Goolhayaha kooxda PSG ee Slavatore Sirigu ayaa qiray in kooxdiisa la daandaamiyey isla markaana ay aad uga awood weynayd Barcelona oo ku karbaashtay celcelis ahaan 5-1.

Goolhaye Slavatore Sirigu ayaa sheegay in Barcelona ay bilowgii ciyaartaba culays badan saartay kooxdiisa, isla markaana ay 15kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ay gool ka dhaliyeen, taasina ay baabi’isay qorshihii PSG ay ku talo-gashay in ay ciyaarta ku waajahaan.

“Si aad u awood badan ayey ciyaarta ku bilaabeen, kadibna gool ayey na gadhaliyeen 15 daqiiqo kadib, taas oo daaqadda ka saartay qorshihii ciyaareed ee aanu lahayn.” Sidaas ayuu yidhi Slavatore Sirigu oo u warramay Canal+.

“Run ahaantii waa koox awood badan, waana in aanu qirano in aad la nooga awood badnaa.” Ayuu raaciyey.

Guul-darradan gaadhay PSG waa markii saddexaad ee xidhiidh ah ee ay ku hadho quarter Finalka, laakiin waxay ciyaartani ahayd markii ugu horreysay ee labada ciyaaroodba laga badiyo, taasina waxay muujinaysaa in PSG ay awood ahaan liidato.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real Madrid V Atletico: Benzema, Modric, Bale, Marcello Iyo Ciyaartooyada Kale Ee Ka Maqan Real

David Luiz: Barcelona Way Na Maamushay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com