“Barcelona Ayaa Ka Awood Badan Bayern” – Guardiola

Tababaraha kooxda Bayern Munich, Pep Guardiola ayaa ammaan kaga jawaabay jadwalka isku beegay Barcelona, waxaanu sheegay in kooxdiisa Munich laga wanaagsan yahay.

“Dabcan, Barcelona waxay ahayd mid ka mid ah kooxaha aanu ku dhici karaynay. Guulo badan ayaan la gaadhay Barca, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Bayern tababare u noqday. Barcelona dabcan waa kooxda ugu wanaagsan.” Sidaas ayuu yidhi tababarahan hore ee Barcelona oo shir jaraa’id qabtay.

“Aad ayyaan ugu faraxsanahay in aan helay fursad aan dib ugu noqdo Barcelona anigoo wata Bayern. Waa arrin cajiib ah.

“Wax xumaan ah kama sheegi karo Barcelona, wax aan ixtiraam ahayn oo aan u hayaa ma jiro. Labada ciyaarood ee aanu wada yeelan doono waligay ma illoobi doono.” Ayuu mar kale yidhi.

Guardiola waxa uu carrabka ku adkeeyey in ay ku dedaali doonaan in ay ka badiyaan Barcelona, hase yeeshee laga awood badan yahay, waxaanu yidhi: “Waxa aanu u baahnaanaynaa in aanu koox ahaan uga badino Barcelona. Aniga i aamina, waa dhab way naga awood badan yihiin.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Luis Enrique oo ah tababare wanaagsan oo shakhsiyad fiican leh.” Ayuu raaciyey.

Tababare Pep waxa uu iintaa raaciyey in qaab ciyaareedkii Barcelona aanu marna isbeddelin, isla markaana ay weli ciyaarayaan kubaddii fiicnayd.

Bayern iyo Barca waxay Champions League ku kulmeen marxaladdan oo kale xili-ciyaareedkii 2012-13, waxaana rikoodh cusub dhigtay Munich oo 7-0 ku garaacday Barcelona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Muxuu Ancelotti Ka Yidhi Real Madrid v Juventus?

Luis Enrique Oo Soo Dhoweyn Diyaar Ula Ah Pep Guardiola

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com