1:21 pm - Saturday June 24, 2017

“Barcelona halkan waa lagu cadaabay, markanna waa kolkii Real Madrid.” Alaba 

Khadar Dirir

Difaaca kooxda Bayern Munich David Alaba ayaa farriin u diray Real Madrid ka hor kulankooda berito lugta labaad ee Semi-final ka Champion League ee ka dhici doona gegada Allianz Arena isagoo u sheegay in halkan lagu cadaabay Barcelona iyana ay sugeyso midaa “Waa aragtay wixii uu awoodi karay taageerayaasheena sannadii la soo dhaafay kulankan kala hortagnay Barcelona, Waa lagu cadaabay halkan Barcelona, waxaana rajeynayaa inay taas oo kale ku dhacdo Real Madrid, waxaynu dooneynaa inay taageerayaashu taagnaadaan garabkeen” ayuu ku waramay difaaca bidix ee Bayern Alaba.

Xiddigaha Bayern ayaa khatar ugu jira inay difaacdaan koobkan “Waynu ognahay inay iswaydiin wayn noqoneyso inaan soo gudubno maxaa yeelay Real Madrid waa koox wayn ay ka buuxaan shaqsiyaad sar-sare, waa inaynu diiradda saarnaa meelaha aan ku awood badanahay, dhammaan waxaynu doonaynaa inaan soo gaadhno Final-ka waa riyadeen.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Klopp oo ku gacan saydhay kooxda Manchester United

Tababare Jürgen Klopp Oo aaminsan in Bayern Munich garaaci karto dhiggooda  Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: