Labada kooxood ee ka dhisan waddanka Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa foodda isku daraya dagaal iyo loollan ay ku kala jiidanayaan xiddiga da’da yar ee kooxda Tottenham ee Dele Alli, kaas oo toddobaadyadii u dambeeyey goolal cajiib ah u dhaliyey kooxdiisa.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa toddobaadkii hore shaaciyey in Real Madrid ay doonayso kubbad-sameeyahan marka uu doonana goolasha badan dhaliya, kaas oo ay usoo bandhigtay mushahar aad uga badan ka uu wakhtigan ka qaato Tottenham, hase yeeshee, Spurs ayaan ogolayn inay fasaxdo maadaama ay ku hirdamayso horyaalka oo ay raadinayso inay sidii Leicester City oo kale ku qaaddo si lama filaan ah.

Dhinaca kale, sida ay sheegayaan wararka qay qoreen warbaahinta Ingiriisku, waxa loollanka Dele Alli kusoo biirtay Barcelona oo loo tirinayo in hoos-u-dhac ku yimid ciyaarteeda, isla markaana ay u baahan tahay xoojin.

Real Madrid oo ka faa’iidaysanaysa xidhiidhka wanaagsan ee dhinaca iibka ah ee ay la leedahay Spurs, oo ay hore uga iibsatay Gareth Bale iyo Luka Modric ayaa markana la filayaa in ay Barcelona kaga horreyso loollanka oo ay ka dul-qaaddo haddii ay ogolaato inay bixiso lacagta ay suurtogalka tahay in Tottenham dalbato oo aan ka yarayn xaddigii ay ku iibisay Gareth Bale.