Barcelona Iyo Roma Oo Mar Kale Dagaalkoodii Labo-kacleeyey, Hanjabaad Ka Timid Madaxweynaha Roma Iyo Kluivert Oo Xudun U Ah Murugga Cusub

Kooxaha kubadda cagta Barcelona iyo Roma ayaa mar kale uu ka dhex curtay khilaaf dib u cusboonaysiiyey nabadarradii laba toddobaad ka hor gaadhay kooxda ka dhisan caasimadda Talyaaniga ee Roma, markaas oo Blaugrana ay qaab lama filaan ah qaadatay Malcom oo saacado kaddib markii uu AS Roma heshiis la galay, uga leexday dhinaca Barcelona.

Labada kooxood ayaa hadda uu khilaafkoodu ku saabsan yahay da’yarka reer Holland ee Justin Kluivert oo uu dhalay xiddigii AC Milan iyo Barcelona ee Kluivert.

Roma ayaa sheegtay in weligeed aanay ciyaartoygeedan da’da yar ka iibin doonin Barcelona, xattaa haddii ay lacag kasta la timaaddo, hase yeeshee warku ma sheegin in Barca ay dalbatay 19 jirkan oo xagaagan uun ay Roma gacanta ku dhigtay.

Kuluivert ayaa la sheegay inuu ku riyoonayo inuu maro waddadii aabbihii Patick Kulivert oo uu u wareego Barcelona halkaasna uu ka bilaabo hayaanka guulaha ee uu kaga dayanayo aabbihii, hase yeeshee sida uu qoray wargeyska Gazzetta dello Sport, Roma ayaa ku wargelisay in aanay waligood ka iibin doonin Barcelona, isla markaana uu niyaddiisa ka saaro.

Madaxweynaha Roma, James Pallotta ayaa isaga oo la hadlaya Kluivert, waxa uu yidhi: “Waxa kale oo aan akhriyey inaad ku riyoonayso inaad Barcelona tagto. Waxa aad ogaataa in aanan weligay kaa iibin doonin iyaga.”

Labada kooxood ee Barcelona iyo Roma ayaa khilaafkoodu curtay bishii hore markii Roma ay heshiis la gaadhay kooxda Bordeax oo ay ka doonaysay Malcom, hase yeeshee inyar ka hor intii aanu laacibka reer Brazil u safrin Roma isla markaana heshiiskiisa lagu dhowaaqay ayaa ay Barcelona dhexda kasoo gashay, waxaanay qaab afduub ah u qaadatay Malcom oo halkii uu ka degi lahaa Roma lagu arkay waddanka Spain kaddib markii qandaraaska uu qalinka ku duugay.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.