Barcelona Oo Albaabka u furtay kooxaha danaynaya 

Warar gaara oo Goal qayntiisa Ingiriiska uu helay ayaa sheegaya in maamulka Barcelona  daaha ka qaadeen inay iibinayaan Cesc Fabregas hadii ay ku helaan qiimo macquula, halka wargeyska Sport oo ka soo baxa Catalonia uu beeniyay in Cesc ka tegayo kooxda.

Sport waxaa kale ay sheegtay in madaxa ciyaaraha Barce uu aaminsanyahay in Fabregas yahay mid ka mida tiirarka kooxda ee xili -ciyaareedka dambe, mana jirto sababo loo iibiyo xiligan.

Laakiin warkan war ka duwan waxaa baahiyay Goal, oo sheegay in xagaaga suuqa la dhigayo Fabregas hadii la helo kooxo daneynaya, waxaana doonaya ilaa hada Arsenal iyo Manchester United.

Waxaa xusid mudan in Cesc Fabregas u saftay Barcelona 42-kulan xili ciyaareedkan, isagoo qaab-ciyaareed aad u wanaagsan soo bandhigay qeybta hore, halka wareega labaad ee horyaalka laga dareemay hoos u dhac u muuuqda, waxaana eedeeyay taageerayaasha kooxda oo dalbaday in la iibiyo.