Barcelona Oo Goolwade La Soo Wareegtay

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay  la soo wareegtay goolwade Marc-Andre ter Stegen oo ay ka soo qaadatay naadiga Germalka ah ee Borussia Monchengladbach.

Xidiga xulka qaranka Germany ayaa bishii January daboolka ka qaaday inaanu heshiiska u kordhinayn kooxda Borussia Monchengladbach, waxaana ilaa xiligaas lagu xidhiidhinayay kooxda Catalanka inuu u bedeli doono Victor Valdes oo isna la hubo inuu xagaagan ka dhaqaaqayo Barca.

Hadal hayntii goolwade Ter Stegen inuu u wareegayo Barcelona oo ay bakhtiisay xanibaadii naadiga laga saaray la soo wareegista ciyaaryahanada , kadib markii lagu eedeeyey inay jabisay sharciga da’a ciyaaryahanada lagula soo wareegi karo, ayaa hadana markale soo cusboonaaday markii ganaaxaasi dib loogu dhigay ka fiirsasho darted.

Ku dhawaaqista la soo wareegista Ter Stegen ayaa timid isla maalintii naadigu shaaca ka qaaday in Luis Enrique si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Barcelona.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Xulka qaranka Ingiriiska oo diyaarada saaran

Xulka Qaranka England Oo u Duulay Portugal oo Ay Tababar Ku Qaadanayaan

Marcel Desailly

Desailly – Spain Haddii Ay K- Aduunka Qaadaan Waxay Noqon Doonaan…

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com