Barcelona oo Hambalyo U Dirtay Labada Madrid

Kooxda Barcelona ayaa ku hambalyeysay Real Madrid guushii weynayd ee ay xallay gaadheen , kuna guulaysteen  horyaalkii 10 aad ee Champions League ah intii naadigu soo dhisnaa , kadib markii ay afar gool iyo gool kaliya kaga adkaadeen kooxda ay isku magaalada Yihiin ee Atletico Madrid.

Fariin ay ku baahisay barteeda Twitter, kooxda Catalanku waxa kale oo ay ku hambalyeeyeen Atletico dedaalkii dheeraa ee ay sanadkan soo dhex jubaaxeen.

Barca ayaa fariintaas oo koobnayd ku tidhi ‘’Hambalyo Real Madrid, guushii aad ku guulaysateen Champions League   finalkii Lisbon… sidoo kale Hambalyo  Atletico Madrid Xili ciyaareedkii dedaalka iyo awooda badnaa.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

‘Ma Murugoonayo, Laakiin Waan Cadhaysanahay’ – Simeone

Makelele Oo Loo Magacaabay Tababaraha Naadiga Bastia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com