Barcelona Oo Ku Jirta Xaaladdii Ugu Xumayd Muddo 9 Sannadood Ah

Kaddib markii ay guul ka gaadhi kari weyday 9 ciyaartoy oo Malaga ah, kulan aad u adkaa oo ay ciyaartoyga Barca kubadda gelin kari waayeen goolka, ayaa waxa dibu qiimayn lagu sameeyey kooxda la caddeeyey in ay ku jirto xaaladdeedii ugu xumayd muddo 9 sannadood ah.

Barcelona ayaa 12 kulan oo xili ciyaareedkan ah waxay ka heshay 26 dhibcood, taas oo ah meeshii ugu hoosaysay tan iyo xili ciyaareedkii 2007/08, wakhtigaas oo ay joogeen Ronaldinho iyo tababarihii hore ee Frank Rijkaard.

Dhibcaha oo kaliya maaha mushkiladda Barca, laakiin waxa iyaduna u raacday in ay illaa hadda shabaqa taabsiisay 13 gool kulamada ay garoonkeeda Camp Nou ku ciyaartay, taas oo ah gool dhalin xumadii ugu liidatay tan iyo xili ciyaareedkii 2010/11.

12-ka kulan ee ay ciyaartay laba waxa ka kala badiyey Deportivo Alvaes iyo Celta Vigo, laba kalena barbar dhac ayey gashay, kuwaas oo ahaa ciyaarihii Atletico Madrid iyo Malag. Wadarta dhibcaha ka khasaaray waa 10.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Yaya Toure: ‘Waan Ogaa In Guardiola Ii Baahan Doono”

wasaarada-ciyaaraha-somaliland

Khilaaf Xoogan Iyo Ismaan-dhaaf Lacageed Oo Soo Kala Dhex Gallay Wasiirka Ciyaaraha Iyo Agaasimihiisa Guud

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com