Barcelona Oo Ozil Ku Doonaysa £30m – Xogo Spain Ka Soo Baxay Oo Xaqiijiyey

In kasta oo uu ugu soo wareegay rikoodh lacageed oo sareeya xagaagii hore , hadana laacibka Qaranka Germalka ayaa la baaxaa dagaya la qabsiga horyaalka Premier League.

Telefishanka kooxda Barcelona ayaa cadeeyey in naadiga Catalanku ay siweyn u danaynayaan wax qabadka 25 jirka kooxda Arsenal .

Su’aasha la isweydiinayo ayaase ah, Arsenal ma aqbali doontaa inay ku fasaxdo Ozil , qiime ka hooseeya kii £42.5million ahaa ee ay ka soo siisteen Madrid 2013 kii.

“Waxa jira warar ka soo baxaya dhinaca Spain oo sheegaya in Barcelona ay la soo wareegayso ciyaaryahanka Arsenal ee Mesut Ozil,”sidaas waxa yidhi Khabiirka ciyaaraha Spain u qaabilsan wartabiyaha talkSPORT ee Paul Breen-Turner mar uu ka hadlayay bandhiga- Alan Brazil Sports Breakfast show.

“Wuxuu aad ugu dhawaaday inuu ku biiro Barca sanadkii 2011 kii, Ozil wuxuu ugu horeeya shaqsiyaadka ay diirada Barcelona sida xooga ah u haysato , waanay la soo wareegayaan.

“Waxa jira wararka tibaaxaya in lacagta ay ku doonayaan tahay £30million, in kastoo aanan garan karayn sida ay Arsenal u aqbali doonto.”

Ozil oo u wareega Barcelona , waxay u fududayn doontaa kooxdu inay fasaxaan Cesc Fabregas, kaas oo ay si aad ah u doonayso Manchester United, inay xagaaga la soo wareegto.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Man Utd Oo U Taffo Xaydan Helitaanka – Cavani – Fabregas iyo Luke Shaw

Juventus iyo Vallencia oo Afka Ciida Loo Daray – Kulamaddii Caawa ee Europa League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com