Barcelona Oo Sheegtay In Jawaab Ka Bixin Doonta Cabashada Andre Gomes

Xiriirka ka dhexeeya xidiga xulka Portugal Andre Gomes iyo jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa sii xumaaday, afhayeen u hadlay Blaugrana ayaa xaqiijiyay in kooxdu jawaab ka bixin doonto xaalada Andre Gomes.

Jamaahiirta Barcelona, ayaa mar walba uu garoonka cagta soo dhigo ku qeyliya ciyaaryhan Andre Gomes, xidiga ayaana ka warbixiyay dhibaatada uu ku wajahayo Barcelona.

“Waxaan taageersanahay isla markaana aan fahansanahay weeraha Gomes, ayuu yiri Josep Vives oo ah afhayeen Barcelona u hadlay.

“Waxaa naga go’an in aan la shaqeyno isaga iyo xidigaha kale ee kooxda ka tirsan”.

“Gomes waxa uu dhexda ka galay xaalad aan wanaagsaneen laakiin kooxda ayaa jawaab rasmi ah ka bixin doonta”.

Sidoo kale afhayeenka ayaa cambaareeyay hadalada jamaahiirta Barcelona ay la beegsadaan ciyaaryhan Andre Gomes.

“Waxaan xushmeyn doontaa dareenka taagerayaasha laakiin ma ahan in lagu dhaqaaqo waxyaabo lid ku ah kooxda”.