Barcelona Oo Si Lama Filaan Ah U Dalbatay Goolhayaha Liverpool Ee mignolet

 

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si lama filaan ah u go’aamisay inay u dhaqaaqo raadinta goolhayaha kooxda kubadda Liverpool ee Simon Mignolet.

Goolhayahan reer Belgium ayaa u dhacay kaalinta saddexaad ee ciyaaryahannada iska sugaya goolka Liverpool, kaddib markii toddobaadkii hore ay Reds heshiis lacag badan ku kacay ku soo iibsatay Alisson Becker oo xulka qaranka Brazil iyo Roma uu ciyaarayey.

Waxa ay arrintani keentay in Mignolet oo u dhashay waddanka Belgium uu si aan hore looga filaynin ugu biiro liiska goolhayeyaal tiradoodu lix tahay oo Barcelona lala xidhiidhinayo, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in goolyahihii labaad ee Jasper Cillessen uu ka tegayo garoonka Camp Nou.

Cillessen ayaa ka dalbaday tababaraha Barcelona in loo fasaxo inuu ka tago kooxda maadaama aanu helaynin boos joogto ah oo uu kaydka ku dhamaystay muddadii uu kooxda joogay, marka laga reebo kulamo kooban, hase yeeshee masuuliyiinta Blaugrana ayaa ka fadhiisan doona, hase yeeshee waxay marka hore raadin doonaan beddelkiisa oo ay u kala dooranayaan lix goolhaye oo uu ku jiro Mignolet