Barcelona Oo si rasmi ah u doortay Tababaraha Laylin doona sannadka Dambe

 Wargeyska Daily Mail ayaa lagu xusay in kooxda Barcelona u dooratay Luis Enrique  inuu hogaamiyo kooxda sannadka dambe, kadib markii ay adkaatay in tababaraha Atlethic Bilbao ay la soo wareegan.

Tababarihii hore ee Roma ahna hogaamiyaha xiligan ee Celta Vigo “Luis Enrique ” ayaa hore ugu soo ciyaaray Barcelona, isagoo sidoo kale soo tababaray da’yarta kooxda Barcelona oo guulo waaweyn uu la gaadhay.

Barcelona waxay hadda niyada ku heysaa in Luis Enrique  ay ku soo celiyaan gurigiisa xili-ciyaareedka dambe, kadib markay caddaatay in Tata Martino la dirayo marka xili ciyaareedkani dhamaado.