Barcelona Oo Walaac Ka Muujisay Xanuun Haleelay Iniesta

Andres-Iniesta

Barcelona ayaa caawa garoomada soo geli doonta iyada oo uu ka maqan yahay mishiinka khadka dhexe ee Andres Iniesta kulanka ay la ciyaarayso Levante.

Ciyaartoygan ayaa waxa haleelay xanuun lagu sheegay Duray hase ahaatee xummada haysa darted aanu garoonka iman karaynin.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Spain ayaa awoodi kari waayey in uu ka qayb galo tababarkii kooxdiisa Barcelona ee Sabtidii ee ay isugu diyaarinaysay kulanka caawa.

Iniesta ayaa kulankii Copa del Rey ee toddobaadkii hore ay Barcelona la ciyaartay Villarreal waxa uu u dhaliyey goolka labaad ciyaar ku dhamaatay 3-1, waxaana maqnaanshihiisa ciyaarta caawa ku weheliya goolhaye Jordi Masip oo dhaawac ah, Douglas iyo Thomas Vermaelen iyo waliba Dani Alves oo ganaax ku maqan.

Barcelona oo ku guda jirta 10 ciyaarood oo isku xiga oo ay guuleysatay tartamada oo dha, waxa ay dooneysaa in ay rikoodhkaas sii waddo isla markaana aanay u ogolaanin Real Madrid oo hal dhibic ka sarraysa in ay ka fogaato.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Guarin iyo Shaqiri oo daan-daamiyey Atlanta

Messi Oo Caawa Safanaya Kulankiisii 300-aad ee La Liga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com