Barcelona ayaa ku biirtay tartanka ay kooxaha waaweyn ee Yurub ugu jiraan kubbad-sameeyaha Liverpool ee Adam Lallana.

28 jirkan ayaa sida uu wargeyska The Times qoray, waxa hirdan ugu ira kooxaha Barcelona, Juventus iyo Par Saint-Germain, kuwaas oo lacag badan doonaya inay u shabaan Barcelona si ay ugu fasaxdo.

Barcelona ayaa uu warku tibaaxay inay kaga horreyso kooxaha kale tartanka ciyaartoygan, sababtoo ah Lallana si fiican ayuu ugu hadlaa luuqadda Spanish-ka, awoowgii hooyana waxa uu ka soo jeedaa waddanka Spain.

PSG ayaa horeba u shaacisay lacagta ay ku doonayso Lallana oo dhan £40million, laakiin Adam ayaa u sheegay kooxaha raba in uu doonayo in uu sii joogo Barcelona.

Bishii December, isaga oo la hadlaya warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu farxad ku hayso Liverpool dhexdeeda, gaar ahaan intii uu macallinka u noqday Klopp.

Barcelona ayaa sidoo kale doonaysa Philippe Coutinho oo ah ciyaartoyga ugu muhiimsan Liverpool.