Basketball: Kooxda Clippers Oo Heshiis 10 Maalmood ah kula wareegtay Nate Robinson

LOS ANGELES – kooxda kubadda Basketball ee Los Angeles Clippers ayaa heshiis la gashay laacibka Nate Robinson kaas oo uu ugu ciyaari doono muddo toban maalmood ah.Robinson

Robinsho ayaa ku biiray kooxda Clippers Sabtidii waxaanu ciyaarayaa kulanka maanta oo Axad ah ay kooxdaasi la ciyaari doonto Golden State Warriors.

Tababaraha kooxda Los Angeles Clippers, Mr Doc Ribers oo Sabtidii warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay sheegay in booska uu ka ciyaaro Robinson ay joogaan saddex ciyaartoy oo kale, hase yeeshee uu u baahan yahay ciyaartoy dhalin kara goolasha oo muddo badan ka soo ciyaarayay horyaalka NBA kaas oo khibraddiisu ay faa’iido u noqoto kooxda.

“Waan aqaanaa Nate. Tababare ayaan usoo noqday, waanan ku faraxsanahay in uu halkan ka ciyaaro” sidaas ayuu yidhi tababare Doc Ribers.

Clippers ayaa dooneysay Robinson illaa bishii January markaas oo uu 30 jirkan ka dhamaaday heshiiskii uu xor ka noqday, taas oo ka dambaysay markii kooxda Clippers uu ka dhaawacmay Jamal Crawdord, isla markaana aan la hubin wakhtiga uu dhaawaca ka soo laaban doono.

Robinson ayaa bartiisa bulshada waxa uu ku baahiyey sawir isaga oo xidhan funaanadda Clippers oo ay ku qoran tahay No. 8 waxyar uun kadib markii uu saxeexay heshiiska Sabtidii.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

FA Cup: Taageereyaal Garoonka Soo Galay oo gacanta ula tegay ciyaartooyada iyo murugga Aston Villa vs West Brom

Basketball: Ciyaaraha Maanta Iyo Caawa ee NBA-da

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com