9:43 pm - Saturday July 22, 2017

BASKII Kooxda Manchester United Oo Xalay Shil Ku Galay Garoonka Feyenoord

Samatar Mohamed

bas1

Baska kooxda Manchester United ayaa la warinayaa inuu habeenkii xalay uu shil ku galay garoonka De Kuip ee kooxda Feyenoord, ka hor kulankoodii xalay ee Europe League.

Kooxda Manchester United oo wadata xiddigaheeda waa weyn ayaa kooxda reer Holland ee Feyenoord kala soo hoyatay guul-darro 1-0.

Sida uu sheegayo saxafiga Stuart Mathieson ee ka tirsan Manchester Evening News in Baska United uu shil ku galay garoonka kooxda reer Holland mar uu isku dayayey inuu Parking galo.

Lama garanayo inuu Basku gaadhay jug weyn iyo inkale, laakiin waxaa la xaqiijinayaa inuu Baska markaa ku jiray oo keliya darawalkii waday.

Horaantii sannadkan ayaa la xusuustaa in taageerayaasha West Ham ay quraarado la dhaceen Baska Red Devils, kulankoodii ugu dambeeyay ee  ka dhacay Upton Park iyadoo markii dambe si qurux baddan loo soo dayac-tiray.

bas2

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Cristiano Ronaldo Oo Loo Aqoonsaday Boqorka Baraha Xidhiidhka Bulshada

Agaasime Dhabeeye: “Ciyaaraha Gobolada Yaan La Siyaasadeyn, Masuul Kasta Goboladu Ha U Sinnaado Inta Ciyaaruhu Socdaan”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: