Bayer Leverkusen Oo Cashar U Dhigtay Atletico Madrid + Muuqaalo

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa iyadoo gacanta sare leh u socdaalaysa Spain lugta labaad ee wareega 16 ka horyaalka naadiyada Yurub, kadib markii ay gurigeeda ku xasuuqday kagana badisay 1-0 kooxda haysata horyaalka La Liga ee Atletico Madrid.Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 1
Darbad xoog badan farsamadeeduna sareyso oo uu qaybtii dambe ee ciyaarta shabaqa ku daloolin gaadhay ciyaaryahan Hakan Calhanoglu ayaa u suurto galisay naadigii martida loo ahaa inay hogaanka ku qabtaan guushuna ku raacdo is araggi hore ee Champions League.Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 2
Wiilasha wacdaraha indhawaydba dhigayay ee tababare Diego Simeone ayaa casaan laga siiyey ciyaaryahan Tiago kadib markii uu xanaaqad uu sameeyey lagu abaal mariyey kaadh kii labaad oo huruud ah ciyaarta dhexdeeda, waxaanay ku soo hadheen 10 nin laga bilaabo daqiiqadii 75 aad ee ciyaarta.Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 3
Fernando Torres ayaa laga diiday gool uu dhaliyey 15 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta , waxaanay garsoorku isku raaceen in kubada oo koorne laga soo laagay ay dibada garoonka uga baxday si qaloocdana u soo gashay.Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 4
Guushan ay gaadhay Leverkusen ayaa ka dhigan inay fursad qaali ahi gacanta ugu jirto ka hor natiijada is araga labaad ee labada kooxood ku dhex maraya geggida Vicente Calderon Bisha March 17 keeda.Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 5 Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 9 Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 8 Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 7 Bayern Leverkusen oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Atletico Madrid 6

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Monaco Oo Emirates Ku Dumisay Arsenal + Sawiro

Cannavaro, walaalkii iyo xaaskiisa oo xabsiga ku jira, Maxaa lagu haystaa tolow?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com