Bayer Leverkusen: Ciyaaryahanada Hilbert Iyo Bellarabi Oo Dirqi Lagu Kala Qabtay – Daawo

BAYER LEVERKUSEN ciyaaryahanadeeda ayaa dirqi ku kala qabtay markii ay Roberto Hilbert iyo Karim Bellarabi gacanta Isula tageen xili ay ku sugnaayeen xerada tabobaraka naadiga.


Roberto Hilbert and Karim Bellarabi

Kamarada ayaa qabatay Roberto Hilbert iyo Karim Bellarabi oo isku soo muruxsanaya, dirqina ay ku kala bed-baadinayaan ciyaaryahanada kale ee kooxdu, kuwaas oo aakhirkii xaalada kacsan amni ku soo dabaalay, labadii ciyaaryahana kala kaxeeyey.

Muuqaalka waxaa ka laga arkayaa, xiddigii hore ee xulka Germany difaaca uga ciyaari jiray ee Hilbert, oo 32, jir ah, oo ku soo baxsanaya Bellarabi ka hor intii aanay ciyaaryahanada kale ee kooxdu gurmadka deg-dega ah la soo gaadhin.

Labada ciyaaryahan ayaa markii dambe, kala dhaqaaqay, xaaladu markii ay degtay, iyadoo mid kasta laga dareemayo inuu wali cadhaysan yahay.

Wararka warbaahinta gudaha Jarmalku qorayso, ayaa sheegay in tabobaraha Leverkusen – Roger Schmidt uu garoonka tabobarka ka saaray Hilbert iyo Bellarabi labadaba.



Midkoodna kama soo bixin oo ma safanin kulankii Isniintii 2-1 ka guuldarada ahi ka soo gaadhay kooxda Ingolstadt, kaas oo ciyaaryahankii hore kooxda Leicester ugu ciyaari jiray ee Charles Aranguiz kaadh ka casaanka ah laga siiyey bilowga qaybtii labaad ee ciyaarta, kadib markii laba kaadh oo digniin ahi isku gaadheen.

Guuldarada soo gaadhay, waxay Leverkusen gayeysiisay inay kaalinta sagaalaad fadhiistaan kala saraynta horyaalka oo 15 ciyaarood la ciyaaray.