11:28 pm - Sunday July 23, 2017

Bayern Munich Iyo Dante Oo War Farxad Leh U Diray Taageereyaasha Munich

Abdiwahab Ahmed

danteKooxda Bayern Munich ayaa barteeda internetka ku baahisay war farxad geliyay taageereyaasha kooxdaas, kadib markii ay soo bandhigtay heshiis kooxdaas ku illaalin doona laacibka khadka difaaca ee reer Brazil, Dante.

Bayern Munich waxay sheegtay in ay heshiis la gashay xiddigan reer Brazil, kaas oo laf-dhabar u ahaa guulaha ay kooxdaasi gaadhay sannadihii u dambeeyey.

Dante, oo ka mid ah ciyaartooyada xulka dalka Brazil uga qayb geli doona koobka adduunka ayaa heshiiskiisa hore waxa uu dhamaanayaa bisha June ee sannadka 2016, laakiin heshiiskan cusub ayaa waxa uu dhigayaa in uu ku sugnaado Allianz Arena illaa sannadka 2017, taasina waxay meesha ka saaraysaa isku-daygii kooxda Manchester United ee laacibkan reer Brazil.

“Ku biiritaankaygii Bayern wuxuu ahaa go’aankaygii ugu wanaagsanaa noloshayda” ayuu yidhi Dante oo ay da’diisu tahay 30 jir oo ka hadlayay heshiiska uu kordhiyey.

“Waxa waliba way wanaagsan yihiin halkan, kooxda, ciyaartoyga, koobka iyo cimiladuba. Bayern waa koox igu habboon aniga, waana sababta aan ugu faraxsanahay inaan sii joogo illaa 2017” ayuu ku daray.

Waxa uu xusay inuu ku niyadsan yahay in kooxdiisu guulo muhiim ah gaadhi doonto inta uu la joogo.

Dante ayaa sannadkii 2012 ku biiray Bayern Munich, waxaanu ka yimid kooxda kale ee reer Germany ee Borussia Monchengladbach, waxaanu tan iyo xilligaa ahaa laf-dhabarta difaaca.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Eden Hazard Oo Yasay Awoodda Kooxda PSG

Maal-qabeenka Inter Milan iibsaday Oo Duullaan Ciyaartoy Doonis Ah Ku Qaadaya Chelsea, Man City iyo Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: