3:16 pm - Saturday January 20, 8001

Bayern Munich Oo 14 Dhibcood Hoggaanka Ku Qabatay, Kaddib Ciyaar ay Ku Burburisay Bayer Leverkusen

221 Viewed Abdiwahab Ahmed 0 respond

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa 14 dhibcood oo saafi ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Bundesliga ee dalka Germany kaddib markii ay 3-1 ku jiidhay Bayer Lverkusen oo ay markti  u ahayd.

Laacibka khadka dhexe ee reer Spain ee Javi Martinez ayaa Bayern Munich u furay dhalinta goolasha, kaddib markii uu shabaqa dhex dhigay kubbad uu meel fog ka toogtay, waxaase ka nixiyey Leon Bailey oo birta uga jaray kubbad cajiib ah ka hor intii aanu Frank Ribery kubbad uu dhinaca kala soo galay ku saxeexin goolkiisii ugu horreeyey xili ciyaareedka.

Ciyaarta oo maraysa 2-0, ayaa uu laacibka Kevin Volland gool uu dhaliyey kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Bayer Leverkusen, waxaase jawaab ka bixiyey James Rodriguez oo daqiiqaddii u dambaysay ciyaarta dhaliyey kubbad laag xor ah oo aad u qurux badan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta, waxay Bayern Munich beddel kusoo gelisay laacibbka da’da yar ee ku fiican dhalinta goolasha ee Sandro Wagner oo muddo toban sannadood kaddib u ciyaaray kooxdii uu carruurnimada kaga tegay, kaas oo ay dib uga soo ceshatay Hoffenheim.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Anthony Joshua & Joseph Parker: Heshiis Laga Gaadhayo Feedhka Sannadka

Zidane Oo Shaaciyey Magacyada 19-ka Ciyaartoy Ee Uu Kala Hor-tegayo Villarreal

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com