7:31 pm - Friday August 18, 2017

Real Oo Burburisay Bayern Munich Iyo Guardiola – (0-5 agg) Una Gudubtay Finel-ka Champions League

Aidarous

Xidiga Cristiano Ronaldo ayaa jabiyey rikoodhkii uu dhigay Lionel Messi ee goolasha hal xili ciyaareed oo horyaalka Champions League ah kadib markii uu dhaliyey laba kamid ah goolashii 4 ta ahaa ee ay Madrid ku garaacday Bayern Munich caawa, una suurto galliyey inay u gudubto ciyaarta Finel-ka ee horyaalka Yurub.

RealRamos Ronaldo

Ciyaaryahankan 29 jirka ah ayaa laba gool shabaqa dhigay, halka Ramos- uu u saxeexay goolasha kale ee labada ah kooxda Madrid ee iska xaadirisay caasimada Lisbon ee Portuqal kulanka Finel ka horyaalka Champions League.

Cristiano goolasha labada ah ee uu kaga dhaliyey Munich garoonkeeda Aliez Arena ayaa ka dhigaya goolasha hal xili ciyaareed uu ka dhaliyey Champions League 16 gool.

Waxaanu imika laba gool dheer yahay, goolashii uu rikoodhka hore ugu xidhay Messi, kuwaass oo ahaa 14 gool ,oo uu dhaliyey 11 ciyaarood oo uu saftay horyaalkii Yurub ee xili ciyaareedkii 2011-12.

Kooxda Madrid oo Bernabeu ciyaartii hore kaga soo adkaatay Munich , 1-0 ayaa caawana kaga badisay 4-0 gool , celceliskana ka dhigtay 5-0, oo ah guul aan laga filayn in lagaga talaabsado kooxda Pep Guardiola oo u muuqatay mid isku dhex daadsan.

 

Madrid ayaa ciyaarta Finelka la ciyaari doonta kii soo badiya Chelsea iyo Atletico Madrid oo habeen dambe ku ballansan garoonka Stamford Bridge, kuwaas oo kulankii la joogay Spain ku soo kala baxay barbar dhac 0-0 ah.

————————————————————————————————————————-

Bayern Munich 0-4 Real Madrid (0-5 agg)

Bayern Munich: Neuer; Lahm, Dante, Boateng, Alaba; Schweinsteiger, Kroos; Ribery, Muller, Robben; Mandzukic
Subs: Raeder, van Buyten, Martínez, Rafinha, Pizarro, Gotze, Hojbjerg
Real Madrid: Casillas, Carvajal, Pepe, Ramos, Coentrao; Alonso, Modric; Di Maria, Ronaldo, Bale; Benzema
Subs: Diego Lopez, Varane, Marcelo, Casemiro, Morata, Isco, Illarra

 

___________________________________________________________________

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Arda Turan : Atletico waxa ka go’an Inay Finel ka CL u gudubto

Ronaldo Oo Jebiyey Rikoodhkii Messi ee Goolasha Champions League Hal XIli CIyaareed

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: