3:16 pm - Tuesday January 20, 6285

Bayern Munich oo Horyaalkii 25 aad Ee Bundesliga ah Ku Guuleysatay

323 Viewed Aidarous Comments Off on Bayern Munich oo Horyaalkii 25 aad Ee Bundesliga ah Ku Guuleysatay

Kooxda Bayern Munich ayaa ku guuleysatay horyaalkii saddexaad oo xidhiidh ah isla markaana noqonaya kii 25 aad ee Bundesliga ah ee ay hantido kadib markii kooxda Wolfsburg lagaga adkaaday 1-0 oo ay candhada u gelisay Borussia Monchengladbach.

Naadiga tababare Pep Guardiola ayaa ku garaacay Hertha Berlin 1-0 sabtidii, natiijadaas oo caarada u saartay diilintii ay ku qaadi lahayd horyaalka sanadkan ee wadanka Germany.Bayern-Munich-oo-qaaday horyaalkii 3 aad oo

Wolfsburg oo ka guuleysata Gladbach, ayaa iman lahayd kaalinta saddexaad, sababi lahaydna in Bayern ay sugto todobaad kale inay u damaashaado horyaalkii 25aad, laakiin guuldaro la soo deristay wakhti daayacii ciyaarta lagu daray oo uu gool ka xareeyey Max Kruse.

Bayern oo damacsan sanadkan inay saddex koob isku qaado, ayaa ka sokor horyaalka u gacan gallay ay u hadheen Champions League iyo German Cup oo ay labadaba semi final taagan tahay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Oscar Oo Cusbitaalka Loola Carraray Kadib Isku Dhicii Ospina

Celta Vigo 2-4 Real Madrid: Chicharito Oo Mar Kale Badbaadiyey Kooxdiisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com